DHAGEYSO:Baabuur maalmo ka hor ku dhacay badda Indian Ocean oo la filayo in la soo saaro

Waxaa galinka dambe ee maanta la filayaa in badda Indian Ocean laga soo saaro baabuur ay hooyo iyo gabadheeda la socdeen oo 12 maalmood ka hor ku dhacay badda Indian Ocean xilli uu gudbayay marinka Likoni ee ismaamulka Mombasa.
Shalay ayay ahayd markii khuburrada ku takhasusay dabbaasha ee loo xilsaaray inay soo helaan meydadka Mariam Kighenda iyo gabadheeda Amanda Mutheu ay sheegeen inay baabuurka arkeen.
Hasa ahaate afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in howshu aynan fududeyn oo ay saacado dheeraad ah qaadan doonto balse ay rajeynayaan in baabuurkaasi ugu dambeyn la soo saaro meydadkana la soo helo.
Waxaa uu qoyska Mariam iyo dhammaan Kenyaanka ka codsaday inay dulqaad muujiyaan inta howlgallada socdo laga soo gabagabeynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here