DHAGEYSO:Baaq nabadeed oo loo diray Maleeshiyaad ku dagaalamay gobolka Mudug.

Kadib Labo Maleeshiyo Beeleed oo dhawaan ku dagaalameen deegaan lagu Magacaabo Ina Diideey oo ku yaalla duleedka degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug, ayaa waxaana isa-soo taraya baaqyada loo jeedinayo maleeshiyaadkaas oo ku aadan inay dirirtooda soo afjaraan.
Kulan ay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ku yeesheen, Odayaal,Siyaasiyiinta Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaay kaga hadleen colaada halkaasi kasoo cusboonaatay, iyagoo ku baaqay in xal laga gaaro dhibaatadaasi.
Xildhibaan Cabdi Kariin Khaliif Dhalac oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inay aad kaga xun yihiin Colaada kasoo cusboonaatay deegaanada ka tirsan gobolka Mudug,isagoo Tilmaamay in maekasta dagaal ay dhibaato ka dhalato balse aan wax faa’iido ah laga Dhaxlin loona baahan yahay in laga hortago waxkasta oo dagaal Keeni kara.
Maleeshiyaadka dagaalka uu ku dhex-maray Bariga Gobolka Mudug ayuu ugu baaqay inay colaada joojiyaan,isla markaana wax walba wada-hadal ay ku dhameeyaan,isagoo sheegay inay kaalintooda ka qaadan doonaan.

Dhanka kale waxay Faah faahino dheeraada kasoo baxayaan maleeshiyaad hubeysan oo gaari dad Shacab ah ay saarnayeen xalay ku rasaaseeyey deegaan ka tirsan isla gobolka Mudug raasaastaas oo geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya daabacday.
Gaariga la rasaaseeyey oo ahaa nooca loo yaqaano Barabokista ayaa la sheegay inuu ka yimid deegaanka gelinsoor ee Gobolka Mudug,waxaana uu kusii jeeday Magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,dadka Goobjoogayaasha ah ayaa sheegeen in 4 ruux oo hubeysnaa ay gaarigaasi rasaaseeyeen.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in rasaasta gaariga lagu furay uu ku geeriyooday hal ruux halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen,waxaana la sheegay in maleeshiyaadka falkaasi geystay ay goobta isaga baxsadeen.
Ilaa iyo hadda macada sababta gaarigaas loo rasaaseeyey iyo dadka ka dambeeyey dhacdadaasi.
waxaana uu noqonayaa falkii labaad ee muddo laba todobaad Gudahood ah ka dhaca wadada u dhaxeysa deegaanka Dagaari ee Gobolka Mudug iyo Magaalada gaalkacyo.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay inay ku raad joogaan maleeshiyaadka ka dambeeyey gaariga la rasaaseeyey,ayna wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan.
Weerarkaan sababay khasaaraha ee ka dhacay Gobolka Mudug ayaa kusoo aadayaa xilli Colaad beeleed ay ka jirto deegaano hoostaga degmooyinka Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee Gobolka Mudug halkaasoo ay labo maleeshiyo ku dagaalamayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here