DHAGEYSO:Baaritaan Rasmi ah oo saaka lagu bilaabay askari meydkiisa laga helay Gurikiisa

Agaasimaha dambi baarista ee dalka George Kinoti ayaa sheegay in maanta la bilaabay baaritaan lagu xaqiijinayo nin ka tirsan ciidamada maamulka oo meydkiisa laga helay gurikiisa.
Sarkaalkan oo magaciisa loo aqoonsaday Sergent Kipyegon Kenei ayaa meydkiisa laga helay gurikiisa oo ku yaala xaafada Imara Daima ee magaaladatan Nairobi.
Sarkalkaasi ayaa ka shaqaynayay xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka Harambe Annex.
waxaa loo malaynaya in dilay sarkaalka halka wararka qaar ay sheegayaan inuu isaga is dilay walow aysan cadeyn.
Sarkalaka meydkiisa laga helay gurikiisa ayaa lagu arkay dhaawac rasaas ah.
Askarigan ayaa ka mid ahaa ciidamadii ka shaqaynayay harambe House oo ay baaritaano ka socdeen kuwaas oo lala xariirinayay wasiirkii ciyaaraha ee dalka Rashid Echesa.
Mr Echesa oo lala xariirinayaa lacag been abuur ah oo dhan 39 milyan ayaa ku sugnaa xafiiska Dr Ruto xilii uu sarkaalkaasi wardiye ka ahaa xafiiska.
Laba maalin ka hor ayaa ciidamada booliska lagu wargaliyay inuu maqan yahay ninkaasi.
Mid ka mid ah dadkii dariska la ahaa askariga ayaa warbaahinta uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here