DHAGEYSO:Baaritaano lagu wado nin ka tirsanaa Al Shabaab oo ciidamada isku soo dhiibay

Laamaha amniga ee Magaalada Mandera ayaa su’aalo weydinaya nin ka tirsanaa Al Shabaab oo shalay isa soo dhiibay.
Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa waxaa lagu magacaabaa Salaad Hajir Jimcaale oo 23 jir ah.
Gudoomiyaha ammaanka Mandera Onesmus Kathya ayaa sheegay in tuhmanaha oo sitay qori AK-47 ah lagu hayo Saldhigga Booliska Ceelwaaq si baaritaano loogu sameeyo.
ninkan ayaa xilikii uu isa soo dhiibayay xirnaa dareeska ciidamada Militiriga .
Isdhiibistiisa ayaa kusoo beegantay maalmo kadib markii saddex qof lagu dilay weerar bas oo ka dhacay gobolka waqooyi bari Kenya.
Dhanka Kale idaacada star fm ayaa booqotay qaar ka mid ah dadki ka soo garaay dhawaac werarki dhacay malinka arabacdi waxaayna warbahinta ushegeen in ay hada cafimaad qaban. waa kuwaan qar ka mid ah oo sharaxaya sida uu werarka u dhacaay.

Dhanka kale dablay looga shakisanyahay xarkada Al Shabab ayaa weerar ku qaaday Sangailu degmada Ijara ee ismaamulka Garissa waxaa ayna halkaasi ku gubeen guriyo .
Tani ma ahan markii ugu horaysay maalmihii la soo dhaafay ayaa sidan oo kale guriyo loogu gubay Sangailu ee Ijara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here