DHAGEYSO:Baarlamaanka Galmudug oo sheegay inaysan wax mooshin ah wadin

Xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ka dhacday munaasabad lagu furayay Kalfadhiga Baarlamaanka labaad ee Maamulkaas Waxaana Ka qayb Galay golayaasha Maamulka Galmudug oo Madaxweynuhu ugu horeeyo,Qaybaha Bulshada ayadoo marti sharaf uu ka ahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi.
Xildhibaan Axmed Maxamed Faarax Usaama oo ka mid ah Wakiilada Maamulka Galmudug sidoo kalena qayb ka ahaa gudigii qaban qaabada Xaflada buritaanka Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inaysan jirin wax Mooshin ah oo ka dhan ah Masuuliyiinta Sare ee Maamulka Galmudug sidoo kalena ay ku qanacsan yihiin howlaha ka socda deegaanada Maamulkaas.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay inays Kalfadhigaan horyaalaan Shaqooyin Fara badan oo ay tahay in la qabto isagoo sheegay inay dajiyeen qorshaha shaqada ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi oo khudbad ka jeediyay Furitaanka Baarlamaanka ayaa sheegay inay ku faraxsan yahay ka qaybgalka Munaasabadaan sidoo kale wixii hadda ka dambeeyay ay wadashaqayn wanaagsan yeelan doonaan Baarlamaanka Maamulka Galmudug iyo baarlamaanka aqalka sare ee dowlada Dhexe.
Ugu dambayntiina waxaa musaabadda Furitaanka Baarlamaanka soo Xiray madaxweynaha Mamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here