DHAGEYSO:Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Ra’iisul wasaaraha Cusub

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Kulankooda Maanta codka kalsoonida ku siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa ka hor cod u qaadista waxaa uu Golaha shacabka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul wasaaraha, isla markaana uu yahay Ra’iisul Wasaaraha cusub muwaadin Soomaaliyeed oo Aqoon yahan ah kana soo bixi kara waajibaadkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa waxaa uu u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo oo 17-kii Bishaan u Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka ,Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada codkooda siiyays si uu waajibkiisa u guto.
Waxaa uu sheegay in ilaa 8 qodob oo uu wax ka qaban doono maadaama Xildhibaannada ay codka kasloonida siiyeen, kuwaas oo kala ah.
1: Arrimaha Amniga
2: Doorasooyinka
3: Horumarinta dhaqaalaha
4: Cadaaladda
5: Dowlad wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa
6: Dib u eegista Dastuurka
7: Dhab u heshiisiinta
8:Iskaashiga Caalamiga ah.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulankooda Maanta waxaa ku sugnaayeen 215 Xildhibaan waxaay siiyeen Codka kalsoonida, Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sh C/raxmaan ayaa sheegay inay Codka kalsoonida siiyeen dhamaan xildhibaannadii kulanka fadhiyay oo ahaa 215 Mudane sidaasna uu Ra’iisul wasaaruhu kaga Gudbay Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kaddib markii Baarlamanaku meelmariyay wuxuu u mahadceliyay baarlamaanka isagoo Markale baarlamanaka ka codsaday inay ansixiyaan Xukuumadda uu soo dhisi doono oo uu sheegay inay noqon doonto mid tayo leh.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Goobta kulanka ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraah Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, isagoo dhaarin kadib uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ansixiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxmed C/laahi Farmaajo ayaa ugu danbayntii wuxuu u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo codka Kalsoonida siiiyay Ra’isul wasaaraha uu soo maagcaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here