DHAGEYSO:Banaanbax ka dhan ah macalimiin la’aanta oo ka dhacay Wajeer

Banaanbax ka dhan ah macalimiin la’aanta oo ka dhacay Wajeer
Dibadbax looga soo horjeedo macalimiin la’aanta ka jirta gobolka waqooyi bari ayaa ka dhacay degmada kutuloow ee ismaamulka Wajeer.
Arday badan ayaa isugu soo baxday degmadaasi waxaa ayna dalbanayaan inay arrintani cadaalad u helaan.

Tani ayaa timid iyadoo ay saameyn weyn ku timid waxbarasahada gobolka waqooyi ka dib markii ay weeraro argagixiso lagu bartilmaamedsaday macalimiin
Shlaya ayay ahayd markii shir ka dhan ah amniga iyo macaliinta laga soo wareejiyay gobolka waqooyi bari ay yeesheen madaxda ismaamulada gobolkaasi.
Xildhibaanka laga soo doortay Eldaas Adan Keynaa ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.
Waxaa uuna gudiga adeega macalimiinta dalka TSC ka codsaday inay ka laabtaan go’aankooda sharci darada ah oo ay macalimiinta uga soo saareen gobolka waqooyi bari.
Mr Keynaan ayaa sheegay ujeedada kooxaha argagixisada ay tahay inay kala qeybiyaan Kenyaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here