DHAGEYSO:Banaanbax lagu dalbanayo in la siidaayo dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran Cumaan oo Gaalkacyo ka dhacay.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay Maanta Magaaladaasi ka dhigeen banaanbaxyo ay dowlada Soomaaliya kaga dalbanayaan in la soo daayo dhalinyaro Soomaali ah oo in ka badan 11 sano ku xirnaa wadanka Cumaan.
Dadka Banaan-baxa dhigayay oo haween iyo dhalinyaro u badnaa ayaa dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada Galmudug iyo Puntland ka codsatay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgalaan siidaynta dhalinyaradaasi,maadaama ay xuseen inay halkaas dhibaatooyin kala kulmayaan si xaqdaro ahna loo xukumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here