DHAGEYSO:Banaanbax lagu Taageerayo Matalaada Caasimada ee aqalka Sare oo Maanta Muqdisho ka dhacay

Boqolaal ka mid ah shacabka ku nool Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,Maamulka Gobolka,Xildhibaano, iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa ka qayb Galay Banaanbax Balaadhan oo Maanta halkaas ka dhacay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalaa Muqdisho Cumar Maxamed Maxmuud oo banaan Baxayaasha la hadlay ayaa sheegay inay Magaalada Muqdisho tahay hooyada iyo hoyga dhamaan dadka Soomaaliyeed qofkastana uu Mulkiyad ku dareemo, ayan mudan tahay in Matalaadeeda Meel cad la saraya.
Wuxuu sidoo kale gudoomiye Filish ka hadlay inay dhawaan isugu yeeri doonaan kulan looga hadlayo Maqaamka iyo aayaha gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ka qayb galay banaabixii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay hada guda galayaan hirgalinta Maqaam Gaar ah oo ay yeelato Magaalada Muqdisho.

Shacabka ku nool Caasimada Muqdisho ee Banaan baxa ka qayb ayaa sheegay inay dhankooda soo dhawaynayaan matalaada gobolka ee aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here