DHAGEYSO:Banaanbax looga soo horjeedo aflagaadada Nabiga NNKH oo ka dhacay Soomaaliya

Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada ah ayaa waxaa Maanta ka dhacay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Aflagaadadii Nebiga Suuban (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.
Boqolaa Ruux oo isugu jira, Haween rag iyo qaar kamid ah Ardayda waxka barata Dugsiyada ku yaala magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaay Maanta halkaasi ka dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan horjeedaan Aflagaadadad loo gaysta Nebiga (NNKH) iyo diinta Islaamka.
Banaanbaxayaasha ayaa qaarkood waxaaay gubeen sawirka Madaxweynaha Faransiiska , iyagoo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska iyo wadamada Reer Galbeed.
Meelaha ay Maanta Banaanbaxyadu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Cadaado iyo deegaano kale oo Tirsan gobolka Galgaduud.
Sidoo kale boqolaal ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka banaadir ayaa waxaay Maanta banaanbax ka dhigeen wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga soo horjeeda hadalkii Madaxweynaha Faransiiska.
Banaanbaxayaashaan ayaa gubay badeecooyin laga keenay dalka Faransiiska sidoo kale waxay Dab qabadsiiyeen Calanka Wadanka Faransiiska iyo Sawirka Madaxweynaha dalkaasi Faransiiska.
Dadka Banaanbaxa ka dhigayay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in Cilaaqaad loo jaro dowlada Faransiiska sidoo kalena la joojiyo Badeecooyinka uu dalkaas soo saaro.

Inta badan dalalka Islaamka ayaa waxaa ka dhacaya banaanbaxyo xoogan, iyadoo dhamaan banaanbaxyada lagu gubay sawirka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron sidoo kalena waxaa Jira hoggaamiyeyaal si adag uga hadlay talaabada Nabiga NNKH loogu gafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here