DHAGEYSO:Bandawaga habeenki ee dalka oo 60 maalmood lagu kordhiyay

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta waxa uu wax ka badalay talabooyiinka laga gaashamanayo Viruska Corona, asaga sheegay in hadii la rabo in dalka ka guulaysto Viruska waxa muhiim ah in la hela mas’uuliyad shakhsiyaded.
Madaxweynaha ayaa ku kordhiyay bandawga mudda 60 maalmood ah, balse waxa uu badalya wakhtiga oo uu ka dhigay 11-ka habeenimo ila 4-ta aroornimo laga bilaabo salaasada

Waxa uu sido kale xariyaada ka qaaday iibinta khamriga, taasi oo qaar ka mid ah shacabka ay aragtidooda ku soo bandhigayeen in madaxweynuhu xayiraada ka qaaday.

Amarka ayaa dhaqan galaya bari oo talaadada ah. Balse waxa u ushegay in goobahan la xirayo ugu dambayn 10-ka habeenimo.
Madaxweynaha ayaa sido kale kordhiyay dadka ka qayb galayo aaska iyo xafladaha arooska kana dhigay 200.
Dhanka Waxbarashada madaxweynaha ayaa sheegay inay wanagsan tahay in la xaqiijiyo talaaboyinka taxadar ku dheehan.
Taasi awgeed Wasiirka waxbarashada Prof.George Magoha ayaa shaacin doona taariikhda iskoolada marka saamileyda waxbarashada ku heshiiyaan talabooyinka badbaada.

Kuwa ka soo qayb galay waxa ka mid ah hoggamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga, Madaxa Cadaalada David Maraga, Hoggamiyaha Xisbiga ANC Musalia Mudavadi, Guddomiyaha dalada gaanarada Wycliffe Oparanya oosido kale ah guddomiyaha Ismaamulka Kakamega iyo Wasiiro oo sharaxay saamaynta Viruska Corona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here