DHAGEYSO:Bandhiga Ganacsiga Soomaaliya oo Muqdisho loogu qabtay

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya,Ganacsato,Shirkada iyo qaybaha Bulshada ee Caasimada Muqdisho ku nool ayaa waxay ka qaybgaleen Munaasabad lagu soo bandhigayay Ganacsiga Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada Badtoolka Soomaaliyeed C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay inuu Talaabo muhiim ah yahay Bandhigaan,wuxuuna Tilmaamay inay ka wasaarad ahaan dadaalo badan samaynayaan maadaama sharciga Bartoolka iyo Macdanta la meelmariyay.

Gudoomiyaha rugta Ganacsiga ayaa muhiimada Bandhiga Ganacsiga Soomaaliya isna Bogaadiyay isagoo ku booriyay ganacsatada inay ka soo qaybgaleen bandhigyada noocaan oo kale ah.

Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Eng C/laahi Cali Xassan ayaa dhankiisa sheegay Soomaaliya wax badan iska badaleen markasta wadanku uu hormar ku talaabsanayo taasoo qayb ka qaadanaysa bandhigyada wanaagsan iyo isdhaafsiga Ganacsiga,isagoo u mahad celiyay dhamaan shirkada Ganacsiga ee ka qayb qaatay hormarka Ganacsiga ee wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here