DHAGEYSO:Bandow ka dhaqan galay deegaanada Puntland

Waxaa xalay dhamaan deegaanada Maamulka Puntland ka dhaqan galay bandow maalmo ka hor ay ku dhawaaqeen madaxda maamulkaas ugu saraysa.
Go’aanka bandowga ayaa qayb ka ahaa qorsheyaal looga hortagayo faafitaanka Cudurka Coronavirus,waxaana bandowga Habeenkii ah lagu soo rogayo dhamaan Magaalooyinka maamulka Puntland,kaasoo soconaya muddo 15 Cisho ah.
Inta badan Magaalooyinka Puntand ayaa waxaa ka dhaqan galay bandowga oo bilaabanayey 6:00 Maqribnimo kuna eg ilaa 5:00 Subaxnimo,iyadoo ay istaageen isku socodka dadka iyo Gaadiidka markii xilgaas la gaaray.
Magaalooyinka,Garoowe,Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,Boosaaso,Khardho, Carmo iyo deegaano badan oo ka tirsan maamulka puntland ayuu amarka bandowga ah ka dhaqan galay,waxaana wadooyinka lagu arkayay ciidamo farabadan oo fulinaya amarka Madaxda sare ee puntland.
Taliye Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ay fuliyeen Amarkii Madaxda Sare ee puntland,isla markaana Magaalada Boosaaso uu xalay sirasmi ah uga dhaqan galay Bandowga.
Sawiro laga soo qaadey Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la arkayay Magaalada oo haawaneysa,iyadoo dadka Magaaladaas ay xilli hore guryahooda ku xaroodeen,iyagoo u hoggaansamey Amarka Madaxda Puntland.
Sidoo kale magaalooyinka Puntland waxaa laga mamnuucey in muddo 15 Cisho ah ay ka Shaqeeyaan Gawaarida dadweynaha si looga hortago faafitaanka Cudurka Coronavirus,waxaana xusid mudan in deegaannada Puntland aan laga helin kiisas kamid ah COVID 19.
Wasiirka Amniga Maamulka Puntland cabdi samad Maxamed Galan ayaa faah faahin ka bixiyey amaro ay soo saareen oo ku saabsan sida looga hortagi karo Cudurka coronavirus oo Saddex kiis oo kamid ah laga helay Soomaaliya Magaalada Muqdisho halka labo kale ay Soomaaliland shalay Shaacisay.
Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan deegaannada Maamulka Puntland uu ka dhaqangalayo amarkii bandowga ahaa oo ay horey u soo saareen Madaxda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here