DHAGEYSO:Bandow qaran oo galabta dalka ka dhaqan galaya

Waxaa caawa xilliga fiidka ah lagu wadaa inuu guud ahaan wadanka ka dhaqan galo Bandow uu maalmo ka hor ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Bandowga ayaa jiraya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa iyo 5-ta aroornimo.
Afhayeenka Dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa shacabka kula taliyay inay isku diyaariyaan u hoggaansanka bandowga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaan loo baahneyn in qof aan ka mid ahayn dadka bixiya adeegyada aasaasiga ee lagama maarmaanka ah in bannaanka lagu arko.
Mr. Oguna oo Khadka taleefoonka ugu warramay idaacadda Radio Citizen ayaa faahfaahin ka bixiyay shakhsiyaadka uunan bandowga dhaqan galaya saameyn doonin adeegyada ay bulshada u hayaan awgeed.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xaddido isku socodka dadweynaha si loo xakameeyo faafitaanka cuduruka Covid -19 ee ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in gudaha wadanka lagu arkay 31 qof oo qabo, hal qof ayaa u dhintay mid kalena waa uu ka bogsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here