DHAGEYSO:Bangiga dhexe oo shacabka ugu baaqay inay qaataan lacagta cusub

Madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK Dr. Patrick Njoroge oo daqiiqado ka hor marti ku ahaa istuudiyaha idaacadda ee Nairobi ayaa faahfaahino dhinacyo badan  ka bixiyay lacagta cusub ee dalka.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay ka faaiidaystaan mudada ay dowladdu u qabatay ee la doonayo in lagu beddesho kunkii shilin ee horay wadanka looga isticmaali jiray.
Dr. Njoroge ayaa xusay inay weli ku howlanyihiin inay shacabka ka qaadaan lacagtaasi si midda cusub loogu beddelo.
Isticmaalka 1000-kii shilin ee hore ayaa ku eg dhammaadka bishan sagalaad waxaa uuna madaxa bangiga dhexe ee dalka caddeeyay in qofkii mudada ay ku dhammaato uunan adeegsan Karin oo ay la mid noqonayso warqad guriga kuu taalla oo keliya.
Sido kale xilli uu u warramayay Maxamad Cali ayuu sharaxaad ka bixiyay qaabka qofka Kenyaanka ah uu ku kala saari karo lacagta saxda ah ee ay dowladdu soo saartay iyo midda faaliska ama been abuurka ah waxaa uuna yiri

 

Arrimahan ayuu si faahfaahsan uga hadlay waxaadna uga bogan doontaan wararkayaga dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here