DHAGEYSO:Bankiga adduunka oo Soomaaliya kala shaqaynaya arrimaha caafimaadka

Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabtay Munaasabad lagu soo dhawaynayay wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada dowladda Soomaaliya DRS Fowsiya Abiikar Nuur oo Xilka Wasaaradda Caafimaadka markale loo Magacabaay kaddib ku dhawaad 4 sano oo ay Jagadaan soo haysay.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda Wasaarada Caafimaadka,shaqaalaha ka howlgala wasaarada,dhaqaaqtiir Masuuliyiin dowladda ka tirsan iyo aqoonyahano soomaaliyeed waxaana halkaas Khudbad ka jeedisay Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda Soomaaliya Drs Fowsia Abiikar Nuur oo bogaadiysay dhamaan howl-wadeenada wasaarada iyo la howlgaleyaasha kale ee isugu jira hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah.
Wasiir Fowsia ayaa ka hadashay Mashruuc dhanka Caafimaadka ah oo Bankiga aduunku dowlada Soomaaliya kala shaqaynayo ayadoo wax aan la aqbali Karin ku tilmaamtay in deegaano xaalado caadi ah ka jiraan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ay hay’adaha Caalamiga ah markasta ku tilmaamaan goobo aan la gaari Karin Sababo amaan awgood.
Wasiirad Fowsia waxay sidoo kale Bogaadisay wax qabadka howl-wadeenada caafimaadka ee Soomaaliyeed oo ku dhawaad 10 bilood ee la soo dhaafay si adag u soo shaqeeyay maadaama dalka Soomaaliya oo aysan kaabayaashiisa Caafimaadku wanaagsanayn uu Saamayn ku yeeshay Cudurka Covid 19.
Wasiirada ayaa sidoo kale Qofkasta oo Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha madaxda iyo guud ahaan howl-wadeenada Wasaaradda ku boorisay inay shaqada ay qaranka u hayaan u qabtaan sida ugu wanaagsan ee karaankooda ah si loogu guulaysto waxyaabo muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here