DHAGEYSO:Barasaabka Garissa oo baaq u diray madaxda Tana River

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa dhiggiisa Tana River ugu baaqay in la joojiyo masahariic uu sheegay in laga billaabi rabo xadka ay labaasi dowlad deegaan wadagaan maadaama sida uu hadalka u dhigay ay tani dhibaato weyn horseedi karto.

Wararka Garissa inta aan ka bixin waxaa barta twitarka maanta qabsaday cinwaan lagu dhaliilayo wakiilka haweenka ee dowlad deegaankaasi Canab Subow kaddib markii la faafiyay muuqaal laga dheehan karo iyadoo cambaareynaysa siyaasiyiinta xisbiga ODM sida Raila Odinga, Simba Arati iyo Junet Maxamad oo adeegsanaysa hadallo dadka qaar ay ku micneeyeen kuwa aan habbooneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here