DHAGEYSO:Barasaabka Garissa oo u digay dadka ka cararaya Nairobi ee ismaamulkaas tagaya

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa walaac ka muujiyay inay jiraan dad ka cararaya xaafadda islii ee Nairobi oo isku dayaya inay gudaha u galaan dowlad deegaankaas.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in amarrada dowladda oo ay xayiraadda ka mid tahay ay yihiin kuwo jiraya muddo kooban oo mar un laga gudbi doono.
Mr. Korane ayaa sheegay in dembi tahay in qofka uu ka safro meel cudurka covid-19 laga soo tabiyay kaddibna Garissa tago maadaama taasi ay halis gelinaysa nolosha dadweynaha.
Shacabka ismaamulka Garissa ayuu dhanka kale ugu baaqay inaynan halkaas ka soo bixin.
Sido kale barasaabka ayaa dadka ka ganacsado xoolaha nool ee u iibgeeyo suuqyada Garissa gaar ahaan kuwa ka yimaada dalka soomaaliya ugu baaqay inaynan soo gudbin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here