DHAGEYSO:Barasaabka Isiolo oo raaligalin ka bixiyay nin laga helay cudurka COVID19 oo sawiradiisa la faafiyay

Guddoomiyaha ismaamulka Isiolo Dr. Maxamad Kuti ayaa ka hadlay isagoona raaligelin ka bixiyay dhacdo baraha bulshada lagu faafiyay sawirrada qofkii ugu horeeyay ee gudaha dowlad deegaankaas looga helay cudurka COVID19.
Bukaanka oo lagu magacaabo Cismaan Shariff ayaa ku doodaya in tallaabadaas ay sababtay in la faquuqo.
Waxaa uu dowladda ismaamulka Isiolo ka dalbanaya magadhow lacageed oo dhan 25 milyan.
Ninkan oo ay da’diisu tahay 62 sano ayaa sido kale sheegay inuu soo gaaray khasaaro dhanka ganacsiga ah.
Cisman ayaa xusay inuu ka caafimaaday cudurka COVID19 balse uu doonayo in la siiyo dhaqaale u dhigma dhibaatada loo gaystay.
Barasaabka Isiolo ayaa saraakiisha caafimaadka iyo shacabka uga digay inay faafiyaan sawirada dadka uu cudurka soo ritay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here