DHAGEYSO:Barasaabka iyo Senetarka Wajeer oo dhaliilay wasiirka waxbarashada

Barasaabka ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud iyo Senetarka dowlad deegaankaasi Dr. Cabdullahi Kabreeta ayaa gaashaanka u daruuray hadal maalmo ka hor ka soo yeeray wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha.
Hadalkaasi ayaa ahaa in wasaaraddu ay ka war qabto in ardayda gobolka waqooyi bari ay doonayaan inay sameyaan xatooyo la xariirta imtixaanada qaran ee shahaaddiga ah.
Magoha ayaa xilligaasi digniin u jeediyay siyaasiyiinta ismaamulada Garissa, wajeer iyo Mandera oo uu kula taliyay inaynan siyaasadeynin natiijada ka soo baxdo imtixaanada.
Sido kale wasiirka ayaa xusay in la doonayo in ardayda fursad buuxda loo siiyo sameynta imtixaanada oo aan wax khalkhal ah lagu beerin.
Hasa ahaate guddoomiyaha Wajeer iyo Senetarka ismaamulkaasi ayaa wasiirka ugu baaqay in haddii ay jirto wax caddeyn ah oo uu u hayo qishka uu sheegay looga fadhiyo inuu farriin taasi la xariirta gudbiyo.
Waxay hadalka wasiirka ku tilmaameen mid aan loo fiirsan oo saameyn ku yeelan karo ardayda marka la eego dhanka natiijada .
Prof. Magoha ayay ka dalbadeen inuu raali gelin ka bixiyo arrinta uu sheegay oo uu ka laabto hadalka ka soo baxay.

Waxaa dareenka mid la mid ah jeediyay xildhibaanka galbeedka Wajeer Axmad Qaloosh oo Prof. Magoha u sheegay in laga doonayo inuu socdaal ku tago gobolka waqooyi bari oo uu soo arko caqabadaha dhanka waxbarashada ee haysta ardayda oo ay ka mid tahay tirada macallimiinta oo aan ku filneyn.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Wajeer Mr. Lyford Kibaara oo shacabka uga digay ku lug lahaanshaha isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada iyo sido kale xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay adeegsan doonto diyaarado si warqadaha imtixaanada loo gaarsiiyo meelaha waddooyinka ku yaalla roobabka awgood aan la gudbi karin.

Guddoomiyaha golaha sare ee muslimiinta SUPKEM laanteeda gobolka Waqooyi bari Dr. Aadan Yuunis ayaa dhankiisa u duceeyay ardayda sannadkan u fariisanaya imtixaanada KCPE-da iyo KCSE-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here