DHAGEYSO:Barasaabka Kiambu oo sheegay inuu sii shaqeynayo in kastoo xafiiska laga mamnuucay

Barasaabka ismaamulka Kiambu Mr. Ferdinand Waititu ayaa shaaca ka qaaday inuunan u baaheyn inuu ka howlgalo xafiiskiisa kaddib markii dhawaan maxkamadda ay ka mamnuucday in uu tago halkii uu dadweynaha uga adeegayay.
Waxaa sii xoogaystay muranka kala dhexeya ku xigeenkiisa Dr. James Nyoro oo uu ku eedeynayo inuu ku howlanyahay bartilmaameedsi siyaasadeed oo uu xilka kala wareegayo.
Waxaa uu ku xigeenkiisa u sheegay inuunan jagada hoggaamiyaha Kiambu kala wareegi Karin iyadoo aynan jirin sabab sharci ah.
Mr .Waititu ayaa kormeer ku sameeyay dhowr mashaariic oo dhanka horumarka ah isagoo xusay inuu weli mas’uul ka yahay arrimaha ismaamulka Kiambu.
Sido kale waxaa uu carrabka ku dhuftay inuu maalinka arbacada ah ee toddobaadkan shir guddoomin doono kulan ay yeelanayaan golihiisa wasiirada.
Mr .Waititu ayaa loo diiday inuu xafiiskiisa tago ilaa inta laga soo gabagabeynayo dacwad ku saabsan musuqmaasuqa taasi oo ah fadeexad la rumeysanyahay in lagu lunsaday 588 milyan oo shilin.
Guddoomiyaha Kiambu ayaa si cad u sheegay inaynan khasab ahayn inuu tago xafiiska rasmiga ah si uu bulshada soo dooratay ugu adeego.
Waxaa uu dhanka kale gaashaanka u daruuray warar sheegaya inuu jiro qorsho ah in wakiilada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi ay xilka qaadis ku sameyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here