DHAGEYSO:Barasaabka Machakos oo ku baaqay in hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka laga saaro guddi dhexdexaadin

Barasaabka ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Aadan Barre Ducaale ka dalbaday inuunan ka mid noqon guddi loo xilsaaray inuu sameeyo dhexdexaadin ku aaddan muranka dhanka dakhliga.
Guddigan ayaa ka kooban xubno matalaya baarlamaanka iyo aqalka sare waxaa uuna ku dadalayaan in Isfahan laga gaaro qaabka dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsanayaan dhaqaalaha dowladda soo galo.
Arrintan oo aan weli wax heshiis ah laga gaarin ayaa saameyn ku yeelatay howlaha dowlad deegaanada sida bixinta musharaadka.
Dr. Alfred Mutua ayaa dhanka kale dalbanaya in la dardargeliyo wada hadalada lagu xallinayo ismari waaga jira

 

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ayaa dhankiisa Dr. Mutua ku eedeyay inuu soo jiidasho raadinayo oo uuna xaq u leedahay shakhsi ahaan inuu muujiyo dareenkiisa ku aaddan arrimaha ay dani ugu jirto dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here