DHAGEYSO:Barasaabka Machakos oo sheegay inuu 2022-ka u tartamaya madaxtinimada wadanka

Guddoomiyaha ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa shaaciyay inuu sanadka 2022-ka ka mid noqon doono musharaxiinta xilka madaxtinimo ee Kenya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in laga soo gudbay xilligii sida uu hadalka u dhigay la ballanqaadi jiray waxyaabo aan si buuxda loo oofin.
Waxaa uu walaac ka muujiyay lunsashada kheyraadka dadweynaha oo uu sheegay inuu si weyn ula dagaalami doono.
Dr. Alfred Mutua ayaa xusay in Kenya markii ay madax banaanida kala wareegaysay guumeystihii ingiriiska ay jirtay rajo wanaagsan oo hadda u muuqato inay meesha ka baxday.
Guddoomiyaha ayaa ballanqaaday in hadii uu 2022-ka ku guulaysto hoggaanka wadanka uu saddexda sano ee ugu horreysa abuuri doono 5 milyan oo fursado shaqo ah.
Sido kale waxaa uu sheegay inuu deegaanada hoose iyo ismaamullada ka dhisi doono waddooyinka waaweyn ee loo yaqaano Highways.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here