DHAGEYSO:Barasaabka Mandera oo faahfaahiyay qodobadii shirkii dhacay

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobaddii ka soo baxay shirkii shalay la qabtay.
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxda kala duwan iyo qeybaha bulshada ayaa ammaanka diiradda lagu saarayay.
Waxaa bulshada lagu boorriyay inay mas’uuliyad weyn iska saaraan arrimaha amniga.
Cali Ibraahim Roba ayaa warbaahinta u akhriyay qodobadda lagu heshiiyay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii shir noocan oo kale ah lagu qabtay Garissa waxayna madaxda iyo shacabka ku heshiyeen in iyadoo la kaashanaya dowladda dhexe la iska celiyo Al-Shabaab.
Saameynta gobolka ku timid ayaa waxaa ka mid ah dhanka tacliinta kaddib markii weeraro lagu dilay 7 qof oo saddex ka mid ah ay macallimiin ahaayeen ay ka dhaceen tuulooyinka Sareedo iyo Kamuudeey ee ka kala tirsan Dadaab iyo Faafi.
Dhacdooyinkaas kaddib, macallimiinta aan dhalasho ahaan ka soo jeedin gobolka ayaa billaabay inay isaga soo tagaan dugsiyadii ay wax ka dhigayeen iyagoo dalbanaya in la soo beddelo.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa barayaasha ugu baaqay inay dugsiyada ku sugnaadaan maadaama ammaanka si weyn loo sugayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here