DHAGEYSO:Barasaabka Mandera oo faahfaahiyay saameynta iskudhacyada ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya Cali Ibraahim Roba oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ku timid in iskudhacyada u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ay saameyn ka soo gaarto Mandera.
Waxaa uu xusay in ilaa iyo 11 qof oo la dhaawacay mid ka mid ah uu dhintay isagoo isbitaalka Mandera lagu daaweynayo.

Sido kale guddoomiyaha ayaa sheegay inay jiraan xaafado dhowr ah oo Mandera ka tirsan oo ay shacabka guriyahooda ka barakaceen

Waxaa uu xusay in madaxda Mandera iyo guud ahaan kuwa gobolka waqooyi bari ay dowladda garab ku siinayaan sugidda ammaanka.
Roba ayaa wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ugu baaqay inuu ku dadaalo sidii loo caawin lahaa qoysaska barakacay

Shalay ayay ahayd markii Roba qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka uu kaga dayriyay xaaladda magaalada Mandera oo uu xusay in la doonayo in dowladda ay si degdeg ah wax uga qabato inta aynsan dhibaato dheeraad ah dhicin.
Dhanka kale Culimada Mandera ayaa si adag uga hadlay xaaladda xuduuda ismaamulkaas waxaana imaamyada masaajida loogu baaqay inay qunuudaan ama ay Alle bari sameeyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here