DHAGEYSO:Barasaabka Mandera oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaa uu xilka kaga qaaday saddex ka mid ah.
Waxay saddexdaas kala yihiin wasiirkii ganacsiga, warshadaha iyo iskaashatada ee Mandera Cabdicaziiz Shee kh Macaad ,Mrs. Jowhara Cabdi oo ahayd wasiiraddii beeraha ,xannaanada xoolaha, kalluumeysiga iyo waraabka iyo Dr. Shamsa Maxamad oo hoggaaminaysay wasaaradda arrimaha jinsiyadda iyo adeegyada bulshada.
Cali Roba ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu sido kale xilka ka qaaday sarkiilkii ugu sarreeyay ee waaxda adeegyada caafimaadka Xassan Maxamad Axmad.
Dr. Maxamad Aadan oo shaqadiisa wasiirka wasaaradda caafimaadka dib ugu soo laabtay ayaa si ku meel gaar ah u sii hayn doono wasaaradda gacansiga ilaa iyo inta magacaabid kale laga sameynaya oo ayna golaha ismaamulka Mandera ka turxaan bixinayaan shakhsigaas.
Qoraalka barasaabka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa muujinaya in Mr. Maxamad Cumar oo loo yaqaano Maqaar loo xilsaaray inuu si ku meel gaar ah u sii hayo jagada wasiirka wasaaradda beeraha , xannaanada xoolaha, kallumeysiga iyo waraabka.
Wasiirka wasaaradda adeegga bulshada Axmad Sheekh ayaa isna si ku meel gaar ah u hoggaamin doono wasaaradda arrimaha jinsiyadda.
Sarkaalka ugu sarreeya ee wasaaradda beeraha ee Mandera Abukar Cabdi Sheekh waxaa uu sido kale si ku meel gaar ah xilkan mid la mid ah kaga hayn doonaa waaxda adeegyada caafimaadka.
Guddoomiyaha Mandera ayaa sheegay in isbeddeladan ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqangalayaan oo xilalka lala kala wareegaya uu goobjoog ka ahaan doono xoghayaha dowlad deegaankaas Cabdinuur Macalim Xussein.
Isku shaandheyntan ayaa lagu sheegay mid looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo bixinta adeegyada loo fidiyo shacabka.
Bulshada deegaanka cumar jilacow ee duleedka magalada mandera oo kacabanaayo daawo la aan dhanka isbataalka deegaankaasi
Weli wararka Mandera ayaan ku guda jirnaa, waxay dhanka kale cabasho la xiriirta daawo la’aan ka jirta isbitaalka degmada Cumar jilacoow ee duleedka magalada Mandera ka soo yeeraysaa shacabka halkaas ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here