DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa oo shacabka gobolka xeebta kala hadlay warbixinta BBI

Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho ayaa shacabka ku nool dowlad deegaanada gobolka xeebta ugu baaqay inay taageeraan warbixinta uu 27-kii bishii 11-aad ee sannadkii hore soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI.
Cali Xasan Joho ayaa carrabka ku dhuftay in taageerada shacabka xeebta ee ku aaddan isbeddelada la doonayo ay tahay mid ku saleysan tixgelinta danahooda.
Barasaabka ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in xal waara loo helo ama warbixinta ay muujiso sida looga gudbi karo xadgudubyo soo jireen ah.

Warbixintan oo dhaqangelinteeda si weyn looga hadal hayo dalka ayaa la rajeynaya inay wadanka u horseedi doonto midnimo , horumar iyo xal u helidda dhibaatooyinka taagan.
Qodobbada lagu soo jeediyay waxay ku saabsanyihiin sidii lagu xoojin lahaa midnimada , xal u helidda doorashooyinka natiijada ka soo baxdo lagu murmo, qabyaaladda iyo sido kale la dagaalanka musuqmaasuqa.
Waxaa la soo saaray kaddib markii guddi ka kooban 14 xubnood oo uu hoggaaminayo senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ay kulamo kala duwan ku qabteen dowlad deegaanada dalka.
Shacabka ayaa wax laga weydiinayay inay aragtidooda ka dhiibtaan ilaa sagaal qodob oo xal loo raadinaya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here