DHAGEYSO:Barasaabka Nakuru oo ka hadlay xakameynta fayraska corona

Guddoomiyaha ismaamulka Nakuru Mr. Lee Kinyanjui ayaa sheegay inay jiraan arrimo muhiim ah oo la doonayo inay fuliyaan dowladda dhexe iyo ismaamullada ka hor inta aan la qafiifin xayiraadaha lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta looga baahan yahay inuu aad uga fikiro isku dheelitirka rabitaanka shacabka iyo xaqiijinta xakameynta fayraska.
Mr. Kinyanjui ayaa tusaale u soo qaatay ugu yaraan 300 oo sariir oo ismaamullada laga dalbaday inay diyaariyaan taasoo uu xusay inaan weli si buuxda loogu guulaysan.
Sido kale waxaa uu guddoomiyaha Nakuru carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in dhammaan shacabka ay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan u hoggaansanka amarrada dowladda.

Xildhibaanka deegaanka Subukia ,Samuel Gachobe ayaa dhankiisa sheegaya in xayiraadda dhanka safarrada oo la qaado ay saameyn ka dhalan karto

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here