DHAGEYSO:Barasaabka Wajeer oo dhallinyarada xoolo dhaqatada ku ammaanay kulan ay shalay yeesheen

Barasaabka ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa dhallinyarada ka soo jeedo ismaamullada oomanaha ee loo yaqaano ASALs ku ammaanay isku imaatin ay shalay sameyeen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay arrin lagu farxo tahay in da’yarta xoolo dhaqatada ay midnimo muujiyaan oo ayna ka shiraan arrimaha warbixinta BBI.
Xilli uu ka hadlay shirka dhallinyarada ee AsalYouthConference oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayuu barasaabka sheegay in da’yarta laga doonayo in ay ka wada shaqeyaan danahooda
Wuxuu intaa ku daray in dowladaha ismaamullada iyo dowladda dhexe ay ka go’an tahay awood siinta dhallinyarada sida in shaqo abuur loo sameeyo sidoo kalena lagu taageero ganacsiyadooda .
Da’yarta ayuu dhanka kale barasaabka Wajeer uga digay in ay fududeystaan halista cudurka COVID-19.

Sidoo kale waxaa uu dhallinyarada ku booriyay in ay waqtigooda ka faa’iidaystaan oo aysan isaga lumin dacaayadda lagu faafiyo baraha bulshada.

Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer ayaa dhanka kale da’yarta uga digay in ay fududeystaan halista cudurka COVID-19 isagoo xusay inay khatar gelin karaan naftooda iyo xubnaha qoyskooda gaar ahaan waayeellada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here