Dhageyso:Barnaamij lagu dhiiragalinayay dadka Haldoorka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabad lagu maamusiyey haldoorka sanadkaan ee Soomaaliyeed oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu qabtay muqdisho.
Waxaa Munaasabada ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan dowlada Soomaaliya aqoonyahano ayaa dhamaantooda sheegay inay Muhiim tahay in la aqoonsado Qofka dadkiisa wax badan u qabtay laguna Maamuuso.
Agaasimaha barnaamijka Haldoor Dayax Axmed Ileey ayaa sheegtay in ujeedada Barnaamijkaan ay tahay sidii loo dhiiragalin lahaa dadka haldoorka ah ee bulshada Soomaaliyeed wax taray.

DR Maxamed Daahir Afrax oo loo aqoonsaday Haldoorka Sanadkaan ayaa halkaasi ka hadlay wuxuuna u mahaceliyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhiiragalinta u Sameeyay.

Wasiirka wasaarada Haweenka iyo Hormarinta Xaquuqul insaan Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo wasiirka wasaarada Arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa bogaadiyay dr Afrax oo Sanadkaan loo aqoonsaday Haldoorka Soomaaliyeed.

Barnaamijkaan Haldoor ayaa wuxuu yahay mid lagu dhiiragaliyo dadka bulshada sida wanaagsan ugu soo shaqeeyay soona qabtay waxyaabo hormar wanaagsan ay bulshadu ka dhaxashay maadaama ay jiraan dad badan oo bulshada Soomaaliyeed wax wanaagsan ku soo kordhiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here