DHAGEYSO:Beelaha ku dagaalamaya Mudug oo digniin loo diray

Xukuumadda dowladda federaalka soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay dagaal beeleedyada ka jiro qaybo ka mid ah gobolka Mudug waxayna sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in la joojiyo colaadda.
Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada federaalka soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ku taliyay in maleeshiyo beeleedka isku haya Mudug iyo Galgaduud ay qaab wada xaajood ah wax ku dhameyaan.
Xilli uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal beeleedyada ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay sii socoshada isku dhacyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here