DHAGEYSO:Bisha sagalaad oo ay suurtagal tahay inaan dugsiyada la furin

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inay suurtagal tahay inaan bisha sagalaad ee sannadkan dib loo furin dugsiyada wadanka.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in saadaasha wasaaradda caafimaadka ee ku aaddan fayraska Corona ay u muuqato mid adkeyn karta in dowladda ay fuliso qorshihii ay horay u dejisay.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta ku sugnaa machadka horumarinta manaahijta waxbarasho ee KICD ee magaaladatani Nairobi halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiinta ururada macallimiinta ee KNUT, KUPPET iyo barayaasha jaamacadaha.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in wasaaradiisa ay wada-hadallo joogto ah la yeelanayso wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Magoha ayaa caddeeyay in mudnaanta koobaad la siinaya xaqiijinta badqabka ardayda , macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee xarumaha waxbarashada ka hor inta aan lagu degdegin dib u furka dugsiyada xiran tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan cudurka COVID-19 awgii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here