DHAGEYSO:Booliska Gobolka Bari oo Amaro soo saaray

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinaayo Guud Ahaan Amaanka Gobalka Bari gaar ahaana magaalada Boosaaso.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Bulshada ku nool Magalada Bosaaso uga Mahadceliyay sida ay ugala Shaqeeyaan laamaha Ammaanka Gobalka Bari gaar Ahaan sugida Nabad Galyada, Isagoo ugu baaqay inay xoojiyana la Shaqeynta Ciidamada.
Ciidamada howlgallada wada ayuu ku amrey inay gacan bir ah ku qabtaan dadka aan kamid aheyn Ciidamada Ammaanka ee howlgalka wada,isla markaana hubka ku dhex-qaata Gudaha Magaalada Boosaaso.
Ugu dambeyn waxaa uu Ciidamada ugu baaqay inay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Shacabka,sidoo kalena inta ay howlgallada wadaan Ciidamada ay ka hortagaan in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyo dekadda laga soo dejiyo Dharka la soo isticmaalay ee loo yaqaano (Huudheeyda) oo horay Puntland uga mamnuucday deegaanadeeda cabsi laga qabo Cuudrka Caronavirus dartiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here