DHAGEYSO:Booliska gobolka Bari oo gacanta ku dhigay rag loo haysto inay dil iyo Kufsi gaysteen

Ciidamada Booliska ee ka howlgala Gobalka Bari ayaa Xalay warbaahinta u soo bandhigay rag loo haysto dil iyo kufsi magaalada Boosaso ee Xarunta gobolka Bari bishii hore loogu gaystay gabar 14 jir ahayd.
Naciima Cabdi Maxamed oo ahayd gabar Yar oo 14 sano jir ayaa 24 bishii hore ee Oktober waxaa dil iyo Kufsi loogu gaystay Xaafad ka tirsan magaalada boosaaso taasoo dadka deegaanka argagax Galisay.
Labada Nin ee dhalinyarada ah lana sheegay inay ka mid yihiin ragga dilka ka shaqaysta hadana ku jira Gacanta Ciidamada Booliiska ayaa qirtay inay iyagu ka danbeeyeen dilka iyo Kufsiga Magaalada Boosaaso looga gaystay Naciima Cabdi Maxamed oo 14 sano jir ahayd.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka bari oo Goobta raggaan lagu soo bandhigay Warbaahinta kula hadlay Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxmuud ayaa sheegay in Maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamada Boolisku wadeen baaritaanada Kiiskaan la Xiriira ayna hadda Soo gabagabeeyeen islamarkaana ay hadda kadib u gudbin doonaan maxkamadda Darajada koobaad ee Gobolka Bari si ay ciqaabtooda u maraan raggaan dhibaatada u gaystay gabadha yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here