DHAGEYSO:Booliska gobolka Bari oo Khamri iyo dadkii watay Gacanta ku dhigay

Howlgal aya Ciidamada amaanka ka sameeyeen gobolka Bari ayaa waxay ku sooq abteen waxyaabaha Maanka dooriya iyo shaqsiyaadkii watay.
Ciidanka Booliska Gobalka Bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ay Wehlinayeen Ciidamada PMPF iyo saraakiisha Madaxtooyada Puntland ayaa Warbaahinta u soo Bandhigay Khamri fara badan oo ay ku soo qabteen Guri kamid ah Xafadaha ku yaala Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari kaasoo halkaas lagu Qarinayay ayna dadka watay ka Ganacsanayeen.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo Faahfahin ka bixiyay Khamrigaan ayaa sheegay inuu Dhanyahay in ka Badan 10,000 kun oo Caag,kuwaas oo dadka qaarkood isticmaalayeen halka qaarkoodna ay ka Ganacsanayeen.
Sidoo kale Taliyaha ayaa wuxuu digniin u direy dadka ka isticmaalaya Maandooriyaha Khamriga iyo kuwa ka Ganacsanaya,wuxuuna sheegay in qofkii lagu qabto tallaabo laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here