DHAGEYSO:Booliska Jowhar oo codsaday in la dhiso Xabsiga Magaaladaasi

Taliyaha Saldhigga Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar Maxamad Siyaad Cali Canjeex ayaa sheegay in Magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabeelle aysan wax Xabsi ah lahayn oo saldhigga degmadaas Maxaabiista lagu xiro.
Waxa uu sheegay in si deg deg ah loogu baahan yahay in degmada Jowhar Xabsi laga Hirgaliyo si loogu qabto shaqooyinka Xabsiga looga baahan yahay oo ay ugu horayso in lagu xiro dadka la soo xukumo.
Taliyaha Saldhigga Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar Maxamad Siyaad Cali Canjeex ayaa madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya,kuwa Maamulka Hirshabeelle,Hay’adaha iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay degmada jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle xabsi u dhisaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here