DHAGEYSO:Booliska Kajiado oo xiray xildhibaan horay uga tirsanaa baarlamaanka Tanzania

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Kajiado ayaa gacanta ku haya Godbless Lema oo horay xildhibaan uga soo noqday dalka Tanzania.
Siyaasigan hore ayaa la qabtay kaddib markii uu u soo cararay Kenya isagoo magan galyo doon ah.
Qareenka u doodaya oo lagu magacaabo George Luchiri Wajackoyah ayaa sheegay in mas’uulkan hore iyo xubnaha qoyskiisa la qabtay xilli ay ku wajahnayeen xafiiska hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR .

Wareysi uu Godbless siiyay idaacadda maxalliga ee Radio Citizen ayuu ku sheegay in naftiisa ay khatar gashay sidaas awgeedna uu dowladda Kenya badbaado weydiisanaya

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu Kenya soo gaaray isagoo ay wehelinayaan xaaskiisa Neema Godbless ay saddex carruur oo ay dhaleen.
Siyaasigan ayaa lagu wadaa in maanta maxkamadda la soo taago maadaama ciidamada booliska ay sheegeen inuu si sharci darro ah dalka ku soo galay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here