DHAGEYSO:Booliska koonfur Galbeed oo u digay Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka

????????????????????????????????????

Kadib kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay magalada Baydhabo ayaa waxaa laga soo saaray amarro digniin loogu dirayay qaar ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dhawaan la sheegay inay u yeereen xarakada Al-Shabaab.
Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Taliska Booliska,waxaana digniin loogu diray ergada soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya si aysan u qaadan amarkii dhawaan ay Al-Shabaab Ergada ugu yeereen deegaanadooda.
Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Booliska Koonfur Galbeed Kornmeel Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Amarka kasoo baxay Al-Shabaab ay ka leeyihiin laba u jeeddo oo kala ah inay lacag farabadan ka qaadaan Odayaasha ama ay weeydiiyaan inay uu iibiyaan Hub ay ku dagaalamaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in ergada qaarkood ay qaateen amarkii Al-Shabaab oo ay tageen deegaanadooda kuwo kalena ay amarkaas diideen,
Taliyaha ayaa xusay in qof alaala qofkii qaata Amarka Al-Shabaab ay Xabsiga dhigi doonaan, tallaabana laga qaadayo.

 

Warar goor dhow soo baxayna waxay sheegayaan in maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu dhowr oday Xabsiga dhigay kuwaas oo ka mid ahaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas, ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mahad Cabdi raxmaan Aadan Taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya,ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen odayaal ka soo laabtay Deegaannada ay ka taliyaan Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here