DHAGEYSO:Booliska Mandera oo xashiish qabtay

Ciidamada booliska ee ismaamulka Mandera ayaa gacanta ku dhigay xashiish dhan 130 kiilogaraam.
Waxaa falkan lala xiriirinayaa oo ay boolisku xireen laba eedeysane.
Saraakiisha ammaanka ayaa arrinkan ku guulaystay kaddib xog ay shacabka soo gudbiyeen.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay oo faahfaahin ka bixiyay taliyaha booliska ee bariga Mandera Richard Ngetich

Isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Nicodemus Ndalana oo dhawaan Mandera tagay ayaa sheegay inuu aad uga walacsanyahay isticmaalka xashiishka ee ku soo badanaya magaalada Mandera wuxuuna inta ku daray in hadda xita dameeraha la siinaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here