DHAGEYSO:Booliska Nairobi oo xiray 11 qof oo lala xiriirinaya falal dambiyeedyo

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay 11 eedeysanayaal oo loo haysto falal dambiyeedyo kala duwan oo ka dhacay caasimadda wadanka.
Sido kale saraakiisha ayaa soo helay ilaa 200 oo ah taleefoonada gacanta iyo qalab kale oo elektoroonika oo ay rumeysan yihiin in dadweynaha laga dhacay.
Cid kasta oo xatooyo loogu gaystay Nairobi ayay ciidamada ammaanka ku booriyeen inay warbixin u gudbiso.
Taliyaha booliska ee Nairobi Rashiid Yaaquub ayaa xusay in saraakiisha ammaanka ay si weyn ula tacaalayaan falalka amni daro ee shacabka lagu dhibaateeyo.
Dadweynaha ku nool magaala madaxda dalka ayuu sidoo kale uga mahadceliyay qaabka ay ciidamada ula shaqeyaan oo ayna ugu gudbiyaan warbixinada fududeeya in eedeysanayaasha la soo qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here