DHAGEYSO:Booliska oo bayaan ka soo saaray shil xalay ka dhacay Kisumu

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in 2:30 habeenimo ee xalay uu shil ka dhacay goobta loo yaqaano Pala oo saddex kiilomitir u jirta xarunta ganacsi ee Awasi ee ismaamulka Kisumu.
Waaxdan ayaa xaqiijisay in dhacdadaasi oo ay ku tilmaantay mid nasiib darro ah ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof kuwaasi oo isugu jiro 11 rakaab ah iyo laba darawaliin ah.
Meydadka dadka shilka ku dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Ahero si baaritaano loogu sameeyo halka dhaawaca oo dhan 38 qof xarumo kala duwan lagu daaweynayo.
Shilka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah basaska shirkadda Eldoret Express oo ay taargadiisa tahay KCF 728G iyo baabuur xamuul qaada,KBS 744T.
Baska oo ku wajahnaa Kericho ayaa waxaa saarnaa 51 qof oo rakaab ah ka hor inta aynan isku dhicin looriga oo u socday dhanka Kisumu.
Agaasimaha dhanka isgaarsiinta ee booliska Mr. Charles Owino ayaa qoraalka ku sheegay in shilka uu yimid kaddib markii darawalkii baska kaxeynayay uu lumiyay xakameynta gaariga taasi oo keentay in baabuurka uu dhinac kale u leexda kaddibna ay looriga isku dhaceen.
Mr. Owino ayaa sido kale tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadka dhintay isagoo kuwa dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
Ugu dambeyntina waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa wadayaasha baabuurta iyo shacabka waddooyinka isticmaalaya ugu baaqday inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Darawaliinta ayaa lagu booriyay inay u hoggaansamaan shuruucda dalka u degsan oo ay iska ilaaliyaan inay baabuurta si xowli ah u kaxeyaan gaar ahaan xilliyada habeenkii.
Qaar ka mid ah dadka shilkaasi ku dhaawacmay iyo goobjoogayaal warbaahinta u warramay ayaa faahfaahinaya sida ay wax u dhaceen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here