DHAGEYSO:Booliska oo lagu eedeeyay inay xalay xadgudub ku kaceen

Waxaa si weyn dalka looga hadal haya sidii ay xalay ciidamada booliska ula dhaqmeen qaar ka mid ah Kenyaanka banaanka lagu arkay ka dib markii ay xalay dowladda dhaqangalisay bandow.
Ciidamada booliska dalka ayaa lagu eedeeyay inay jir dil u gaysteen dadkii ay xalay wadooyiinka ku arkeen iyo kuwii ku sugnaa marinka kanaalka Likoni ee Gobolka Xeebta dalka.
Muuqaalo la soo duubay ayaa la arkayay in qof wariya ah iyo dad kale ay ciidamada xad gudub kula kaceen.
Waxaa dhacdooyiinkani ka hadlay barasaabka ismaamulka Mombasa Xassan Ali Joho.
Mr Joho ayaa Kenyaanka iyo shacabka Mombasa ugu baaqay inay taxadar muujiyaan oo ayna guriyahooda joogaan nadaafadana ku dadaalaan.
Waxaa uu sido kale ka warbixiyay sida ay u shaqeyn doonto feerida ay dadka ku gudbaan iyo shaqaalaha caadiga ah.

Dhanka kale maamulka ee dabagalka ku sameeya hawlaha Booliska ee IPOA ayaa bayaan ka soo saaray xadgudubka lagu eedeeyay booliska iyagoona sheegay inay baaritaan sameyn doonaan.
Waxaa ayna shacabka ugu baaqeen inay qaataan amarada loo soo jeediyay.
Sido kalena booliska ayay ugu baaqeen inay sida sharciga waafaqsan ula dhaqmaan shacabka oo ayna iska ilaaliyaan xadgudubka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here