DHAGEYSO:Booliska Puntland oo Miinooyin ku qabtay Boosaaso.

Ciidamada Booliska maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland gaar ahaan kuwa ka howlgala Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa Howlgalo ay magaaladaasi ka sameeyeen waxay gacanta ku soo dhigeen wayaabaha qarax oo la doonayay in dhibaatooyin lagu Gaysto.
Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaay sheegeen inay fashiliyeen qaraxyo miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo laga helay mid kamid ah Xaafadaha Boosaaso.
War kasoo baxey Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska Gobalka Bari Oo kaashanaya Ciidamada PSF ay Fashiliyeen Qarax Miino oo lagu qarinayey Guri ku yaalla Aaga Masjidka Rashiid Ee Magaalada Boosaaso xarunta gobolka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Puntland Gashaanle Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalka ay ku qabteen waxyaabaha qarxa wuxuuna u mahad celiyay saraakiisha Booliska ee howlgalkaasi fuliyay.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxay ka mid tahay meelaha ugu amaanka xun deegaanada maamulka Puntland waxaana si joogta ah uga dhaca howlgalada ay ciidamadu ka fulinayaan ee Magaaladaasi amaankeeda lagu ilaalinayo ayadoo dhanka kale mararka qaar laga soo tabiyo falal danbiyeedyo kala duwan sida qaraxyo, Dil iyo waxyaabaha la mid ka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here