Dhageyso:Booliska Puntland oo qabtay Lacag Fara badan oo shilil Soomaali ah

Ciidamada amniga Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay lacag dhan1 Bilyan oo shilinka Soomalia ah iyo gaarigii lagu waday oo ku socday Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.
Saraakiisha Ciidamada booliiska Maamulka Puntland ayaa sheegay in Lacagtaan uu cadadkeedu badan yahay lagu qabtay bar-koontorool oo ku Taala Magaalada Qardho ee isla gobolkaasi Bari.
Ciidamada ayaa gaarigii siday lacagtan ku qabtay inta udhexaysa Kontaroolka deegaanka Al-xamdulilaahi iyo degmada Waaciye isagoo ku sii jeeday Magaalda Qardho.
Duqa Degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan ayaa Warbaahinta u sheegay sheegay in lacagtaan ay kaga cabsi qabaan in la doonayya in lagu qalqal galiyo degaanada Maamulka Puntland si sare loogu qaado sicir waxyaabaha la kala iibsado ee ka jira magaalada Boosaaso.
Waxaa uu sheegay in lacagtaan ay ku xareeyeen Bangiga Maamulka Puntland ee qaybtiisa Magaalada Qardho , islamarkaana lagu sameyn doono baaritaano dhamaystiran.
Shacabka ku nool deegaanada Maamulka Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxay ka cabanayeen Sicir barar saameeyay maciishada qutul daruuriga ah ayagoona Maamulka ugu baaqay in wax laga qabto sicir bararka ka jira deegaanada maamulkaasi.
Duqa Degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan wuxuu sheegay inay lacagtaan ku jirta in ka badan 40 Jawaan wuxuuna ku baaqay inaan qalqal la galin noloshada Shacabka oo hada wajahaya xaalado nololeed oo qaarkood adag yihiin.

Wali waxaan ku guda jirnaa wararka Puntland Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland sidoo kalena ah Kusimaha Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaas Cabdirisaaq Jaamac Aadan.
Shaqo Joojinta Wasiirka iyo Agaasimaha guud ayaa ka danbaysay kadib markii sida la sheegay ay ku dhex dagaalamen xarunta wasaaradda dhawaan ayna isku gacan-qaadeen.
Gacan qaadkaas ayaa la sheegay inuu waji dhaawac kooban kas oo gaaray wasiirka markii Kaluumaysiga Puntland.
Labadaan Masuul ayaa la sheegay in gacan ka hadalkooda uu sababay waxyaabo dhanka Maaliyada ah oo ay isku khilaafeen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here