DHAGEYSO:Booliska Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay taliyeyaal

Taliska Ciidanka Booliska Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Shaqadii ka joojiyey laba taliye oo muuqaalo ka duubay dhalinyaro ku caweyneysay duleedka Magaalada Qardho ee Gobolka ay Puntland u taqaano Karkaar.
Dhalinyarada muuqaalada laga duubay oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxaay ku caweynayeen duleedka Magaalada Qardho,waxaana muuqaalada ay Booliska ku faafiyeen Baraha Bulshada,taasoo ay ka dhalatay falcelin ay sameeyeen inta badan dadka ku nool deegaannada Maamulka Puntland.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Xuseen ( Cabdiyare) ayaa sheegay in dhacdadaas ay Guddi baris ku sameeya u xil saareen,Guddigaas ay soo Kala cadaynayaan in si qaldan ay Saraakiisha ciidamada Booliska Gobolka Karkaar Shacabka ula dhaqmeen iyo inkale.
Waxaa uu sheegay inuu Shaqada ka joojiyey Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Puntland u taqaano Karkaar Jaamac Cismaan Qarey iyo Taliyaha saldhigga degmada Qardho Cumar Hiirad Kaatun,kuwaasoo kasoo dhex muuqday Muuqaalada ay Booliska duubeen,isagoo raali gelin ka bixiyay falkaasi ay Ciidamada Boolisku sameeyeen.

8-dii Bishaan June ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyey muuqaalada dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar,kuwaas dab ku shitay duleedka Magaalada Qardho, iyagoo caweynayay,waxaana falkaasi si aad ah uga fal celiyay dadka ku sugan deegaannada Puntland kadib markii boolisku ay Baraha bulshada ku faafiyeen Muuqaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here