DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo khaad ku gubay Magaalada Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay gacanta ku dhigeen qaad fara badan oo la doonayay in si sharci daro ah lagu soo galiyo Magaalada Muqdisho kadib markii dhanka bada la soo Mariyay.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya iyo ku xigeenka Xeer ilaaliyaha oo goobta qaadkaas lagu gubayay ku sugnaa ayaa sheegay inay qaadkaan Gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Tan iyo markii kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa Corona ah Soomaaliya laga xaqiijiyay bartamihii bishii March ee sanadkaan waxaa guud ahaanba dalka Soomaaliya laga Mabnuucay keenista iyo ka ganacsiga qaadka waxaana taas badalkeeda jiray ganacsato si dhuumaalaysi ah isugu dayay inay Magaalooyin kala duwan ku soo galiyaan qaadka ayadoo ciidamada amaanku ay horay marar badan qaad si sharci daro ah lagu soo dhoofiyay ku gubeen Magaalooyin kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here