DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo laba jibaaray baaritaanka gaadiidka

Ciidamada Booliiska Soomalaiya ayaa Baraha Hubinta Gaadiidka ee Magaalada Muqdisho waxay kawadaan baaritaano lagu xoojinayo Ammaanka Caasimadda Soomaaliya.
Ciidamada ayaa baaritaanadaan ka sameenayay bara koontoroolada ugu mihiimasan ee Muqdisho waxaana Kormeer iyo dhiiragalin ugu tagay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir,Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Sarakaiil kale.
Baraha koontoroolada ee saraakiishaan kor joogteeyeen waxaa ka mid ahaa Banaadir,Taleex,shaqaalaha,Dabka,Baar ayaan, Al baraka iyo goobo kale oo ciidanku si aad ah u baarayaan gaadiidka isticmaalaya si ay kaga hor tagaan waxkasta oo amaanka lidi ku ah.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sadiiq Adan Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalada Nabad Sugida ah ee Ciidamada amanaku ka wadaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here