DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo Xiray Saraakiil laaluush qaatay

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Adan Cali ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya ay ka jawaabeen cabasho ka timid qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho, oo ay ka qabeen xubno ka tirsan Ciidamada Amaanka.
Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayuu Afhayeenka booliisku sheegay in baaris dheer kadib ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed xabsiga dhigeen Ciidamo ka howlgalayay mid kamid ah baraha Koontorool ee Magaalada muqdisho,kuwaasoo uu sheegay inay dadka Shacabka ah ka qaadayeen lacago laaluush ah.
Ciidamada la xiray ayuu sheegay inay tallaabada ay laaluushka ku qaadanayeen Sameeyeen xilligii lagu guda jiray bandowga Habeenkii ay dowladda Soomaaliya saartay Magaalada muqdisho ee Caasimada ah.

Ciidamada qaar ee ku sugan magaalada muqdisho ayaa mararka qaarkood waxaa lagu eedeeyaan inay lacago Laaluush ah ka qaadaan gaadiidka iyo mootooyinka bajaajta wada,xilliyada ay socdaan howlgallada ama ay wadooyinka xiran yihiin taasoo hogaanka Sare ee Ciidamada amaanka Sumcad daro ku tilmaameen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here