DHAGEYSO:Boqolaal qoys oo ku barakacay daadadka Tana River

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta ayaa sheegay in boqolaal qoys ah ku barakaceen daadad halkaas ku dhuftay kaddib roobab ka da’ay.
Dhibaatada ugu badan ayaa waxay soo gaartay carruurta, haweenka iyo waayeellada.
Qoysaska barakacay ayaa hadda hooy ka dhigtay hareeraha wadada u dhaxaysa Nairobi iyo Garissa waxayna codsanayaan in dowladda ay gurmad degdeg ah u fidiso

Daadadka ka dhashay roobabka ka da’ay qeybo ka mid ah dalka ayaa sido kale saameyn ku yeeshay ismaamulka Homa Bay oo ay cabasho tani la mid ah ka soo yeeraysa

Maalmo ka hor ayay ahayd markii waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegtay in roobab xooggan ay ka di’i karaan qeybaha kala duwan ee dalka.
Qoysaska deggan agagaarka webiyaha iyo biyo mareennada ayaa loogu baaqay inay ku wareegaan meelaha uu joogoodu sarreeya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here