DHAGEYSO:Bukaan cudurka Covid-19 u galay qeybta ICU-da oo dadweynaha fariin u diray

11 maalmood oo uu ku jiray qeybta daryeelka degdegga ee ICU-da kaddib waxaa maanta isbitaalka Aga Khan laga saaray mid ka mid ah shakhsiyaadkii uu soo ritay cudurka covid-19 ee uu sababo cudur sidaha Coronavirus .
Waxaa uu noqday qofkii ugu horreeyay gudaha dalka ee cudurka saameyay awgii qeybtan la dhigay.
Ilaa 20 cisho ayuu isbitaalka ku jiray, laba baaritaan oo lagu sameeyay ayaana lagu xaqiijiyay inuu xanuunka ka bogsaday.
Bukaankan oo aan magaciisa rasmiga ah saxaafadda loo adeegsan ayaa wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen .
Kenyaanka ayuu u sheegay in cudurka uu dhab yahay , halis yahay sidaas awgeedna la doonayo in lagu dadaalo ka hor taggiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here